Digniin Hor Leh Oo Laga Soo Saaray Halista Cudurka Nooca Cusub Ee Omicron

0
446

Digniin Hor Leh Oo Laga Soo Saaray Halista Cudurka Nooca Cusub Ee Omicron

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa Maanta oo Arbaca ah sheegay in khatarta uu leeyahay cudurka Omicron uu yahay mid aad u sareysa, ka dib markii tirada kiisaska dunida ee COVID-19 ay kor u kacday 11 boqolkiiba todobaadkii hore.

Warka ayaa imaanaya iyadoo dhowr waddan oo Yurub ah, oo ay ku jiraan France, UK, Italy, Greece, iyo Portugal ay la tacaalayaan caabuqa cudurkaasi oo u faafaya si xowli ah.

Dalka Mareykanka ayaa la sheegayaa in lagu arkay 440.000 oo xaalado cusub ah,halka Dalka Faransiiska uu soo gudbiyay in 24-kii saac ee la soo dhaafay la helay180,000 oo xaaladood .

Warbixin cusub oo todobaadle ah oo ay soo saareen WHO ayeey ku sheegtay in   caddaynta joogtada ah ay muujinayso in kala duwanaanshaha Omicron uu leeyahay xaalad koritaan ah oo degdeg ah oo ka sarreeya kala duwanaanta Delta oo leh labanlaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here