Milatariga dalka Mali Oo Mar kale Xoog Kula Wareegay Xukunka dalkaasi

0
260

Milatariga dalka Mali Oo Mar kale Xoog Kula Wareegay Xukunka dalkaasi

Millateriga dalka Mali ayaa shaaciyay in meesha laga saray xilalkii ay hayeen madaxweynaha kumeel gaarka ah ee Bah Ndaw iyo ra’iisal wasaaraha dallkaasi Moctar Ouane.

Labada hogaamiye ayaa lagu hayay saldhig millateri oo ku yaalla duleedka magaalada Bamako tan iyo markii la xiray Isniintii.

Gaashaanle dhexe Assimi Goïta, madaxweyne ku xiigeenka dowladda ku meel gaarka ah ayaa madaxdaasi ku eedeeyay inay ku fashilmeen hogaaminta isla markaana ay doonayaan inay carqaladeeyaan dowladnimada.

Ururka dalalka galbeedka Afrika ee loo soo gaabiyo ECOWAS, ayaa canbaareeyay xarigga hogaamiyaashaasi, waxayna sheegeen in ay wefdi u diri doonaan dalkaasi.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee dalka Mali ayaa dalbaday in si deg deg ah loo sii daayo madaxweyne Bah Ndaw iyo Ra’iisul Wasaare Moctar Ouane, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in labadoodaba ay xireen militariga.

Qoraal Twitter-ka lasoo dhigay (oo ku qoran luuqadda Faransiiska) ayay diblomaasiyiinta Qaramada Midoobay sidoo kale ku codsadeen in xasilooni laga sameeyo waddanka ku yaalla Galbeedka Afrika.
Xarigga mas’uuliyiinta ayaa yimid saacado kaddib markii isku shaandheyn lagu sameeyay dowladda, taasoo sababtay in xilalka laga baddalo labo sarkaal oo ka tirsan xubnaha sar sare ee militariga ee ka qeyb qaatay afgambigii sanadkii hore.

Lataliyaha sare ee madaxweyne ku xiigeenka dalkaasi ee Baba Cise oo ka hadlay telefiishanka qaranka ayaa sheegay in doorashada ay qabsoomi doonto sanadka soo socda.

Maxaa sababay dhibaatada?

Gaashaanle dhexe Assimi Goïta, ayaa sheegay in aanana ;lagalal tashanin isku shaandheynta golaha wasiirada, taas oo uu ku sheegayo in isaga loo magacaabi lahaa madaxweyne ku xigeen.

Kadib afgembigii sanadkii hore hogaamiyahan milatariga ah ayaa doonayay in uu hogaamiyo dowladdan ku meel gaaraka ah ee qabanqaabinayso doorasho inay dalkaasi ugu dhacdo muddo 18 bilood islamarkaasina xikunka dib loogu celiyo rayidka. Ururka ECOWAS ee heshiiskaasi marki hore garwadeen ka ahaa ayaa weli wuxuu ku doodaya in xukunka shacabka lagu soo celiyo.

Balse Gaashaanle dhexe Assimi Goïta, ayaa ah ninka ugu awoodda badan dalkan aan xasiloonida lahayn eek u yaala galbeedka afrika.

Maxaa xiggi doona?

Wefdi ka socda ururka ECOWAS aayaa la filaya in maanta ay gaaran Bamako.

Maadama Gaashaanle dhexe Assimi Goïta, uu heshiiskii ururka wada saxiixdeen ka baxay oo uu hada xilka awood kula la wareegay, ma cadda talaabada ay qaadi doonnan.

Laakiin Faransiiska, oo hore u gumeystay dalkan, ayaa ku hanjabay cunaqabateynta Midowga Yurub ee ka dhanka ah kuwa ka dambeyay afgembiga, iyadoo madaxweynaha Emmanuel Macron uu ku tilmaamay arrintan”inqilaab inqilaab dhexdiisa ka dacay”, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters.

Gaashaanle dhexe Assimi Goïta, ayaa dadka ugu baaqay inay howlahooda maalinle ay wataan islamarkaana balanqaaday in milatariga uu horumar ka sameyn doono arrintan.

 

bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here