Al-Shabaab Oo Weerar Khasaaro Geystay Ka Fulisay Gudaha Kenya

0
547

Al-Shabaab Oo Weerar Khasaaro Geystay Ka Fulisay Gudaha Kenya

Rag hubeysan oo la rumeysan inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weerar ku qaaday Guri uu deegaan ka tirsan Bari Gobolka Wajeer ka degan yahay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Amniga Kenya.

Sarkaalka gurigiisa la weeraray oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in xiligii uu falka dhaacayay uu ka maqnaa gurigiisa, isla markaana weerarka uu ku dhintay Wiil uu isaga dhalay iyo dad kale oo goobta ka agdhawaa.

Sarkaalkaas ka tirsan Ciidanka Kenya ee Gobolka Wajeer laguna magacaabo Nuur Jibriil ayaa tilmaamay inay baxsadeen raggii ka dambeeyay weerarii dhacay, ayna ku raad joogaan xubnaha hubeysan.

“Anaga iyo saraakiisha kale ee NPR, waxaan ilaalo ka haynay Isbitaalka (Khorof Harar Hospital) markii Al-shabaab ay soo weerareen gurigeyga, waxaan maqalnay dhawaqa rasaasta waxaana durba u dhaqaaqnay goobta. Nasiib darro, markii aan halkaa gaarnay waa goor ay wiilkayga toogteen” ayuu ka dhawaajiyey Nuur Jibriil.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro lagu dilay Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan dowladda Kenya ka fulisay deegaano ka tirsan Gobolka Wajeer ee dalka Kenya, waxaana sidoo kalena ay weerar ku qaadeen Saldhigyo ay leedahay Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here