Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo La Isugu Yeeray Kulan Aan Caadi Aheyn

0
285

Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo La Isugu Yeeray Kulan Aan Caadi Aheyn

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa kulan aan caadi aheyn isugu yeeray Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxaa shaaciyay in Golaha uu kulan gaar ah yeelan doono maalinta sabtida oo ku beegan 1-da bisha soo socota ee May 2021.

Kulanka ayaa waxaa hortegaya Mdaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo, waxaana la faray Xildhibaannada dalka dibadiisa ku sugan iyo kuwa gobolada dalka ku maqan inay si degdeg u soo galaan Muqdisho, si ay u soo xaadiraan fadhiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay shaaciyay inuu ogolaaday in dib loogu noqdo doorashadii dadbaneynd, isla markaana la fuliyo heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020, iyo tala-bixintii guddiyada farsamada ay ku gaareen Magaalada Baydhabo.

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha in  Golaha Shacabka uu ka dalbanayo inay dib u soo celiyaan doorashadii dadbaneyd, xili muddo kordhin laba sanno ah ay u sameeyeen Farmaajo 12-kii bishaan April.

Farmaajo ayaa Carabka ku dhuftay inay marka hore ogolaayen in dalka laga qabto doorasho heshiis lagu yahay, hayeeshee ay caqabaddu noqotay faro gelin shisheeye iyo gacmo gurracan oo doonaya burburinta dalka iyo kala qeybinta Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here