Ciidamadii Saadaq Joon Iyo Indhacadde Oo U Guuray Aaggag Cusub

0
344

Ciidamadii Saadaq Joon Iyo Indhacadde Oo U Guuray Aaggag Cusub

Ciidamadii ay hoggaaminayeen Jeneraal Saadaq Joon, Indhacadde iyo kuwii taageersanaa Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waaberigii hore ee saakay isaga guuray wadada Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim ee degmada Hodan.

Ciidamada ayaa u guuray xaafadda Siigaale iyo xaafaddo kale oo ku teedsan halkaas, isla markaana ka sameeystay dhufeyso cusub, iyadoona aan weli la ogeyn sababta keentay inay halkaas isaga guuraan xiligaan Ciidamada kasoo horjeeda muddo kororsiga Madaxweyne Farmaajo.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Jeneraal Saadaq Joon iyo Indhacadde ay arrimo Istiraatiijiyad Ciidan uga guureen wadada Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim ku dhow Isgoyska KM-4.

Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda gaar ahaan kuwa Haramcad ayaa degay halkii ay ka guureen Ciidamada  Saadaq Joon iyo Indhacadde, isla markaana wadada ka qaaday Carro-tuur iyo birro lagu xiray.

Xalaadda Mgaalada Muqdisho ayaa haatan degan, isla markaana waxaa jiro abaabulo kala duwan oo ay sameynayaan Ciidanka dowladda Federaalka iyo Ciidanka Mucaaradka ee kasoo horjeeda muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here