Dowlada Jabuuti Oo Mar Kale Ka Jawaabtay Eedeynta Ay Somaliya U Jeedisay

0
226

Dowlada Jabuuti Oo Mar Kale Ka Jawaabtay Eedeynta Ay Somaliya U Jeedisay

Dowladda Jabuuti ayaa ka jawaabaty eedayn ay dhawaan dolwadda federaalka Soomaaliya u jeedisay taas oo la xirirtay in Jabuuti ay galaangal ku lahed bayaankii ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga afrika, bayaankaas oo uu goluhu ku cambaareeyay muddo korarsiga haydaha dowladda federaalka.

Jabuuti ayaa haddaba sheegtay in ay ku mowqif tahya Golahha Nabadda iyo Ammaanka ee midowga, isla markaana dano siyaasadeed laga leeyahya eeda dowladda Soomaaliya ay u soo jeedisay.
Wasiirka warfaafinta ee Jabuuti, Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay: “Jabuuti waxa ay aad uga walaacsan tahay hadallada ka soo yeeray Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, isagoo Jabuuti ka been abuuray, Jabuuti waa dal taariikh ahaan u muujinaya taageero walaaltinimo oo joogta ah Soomaaliya,”

Waxa uu wasiirku intaasi ku daray: “Jabuuti waxa ay dedaal ku bixisay nadaynta iyo dib u heshiisiinta, shirkii Carta oo la ogyahay natiijadii ka soo baxday oo ay Soomaaliya ka dhaxashay inay dib u soo ceshato kursigii ay ku laheyd Qaramada Midoobay kaddib sanado badan oo ay ka maqnayd.”

Dowladda Jabuuti ayaa dhanka kale hadalka dowladda Soomaaliya ku sheegtay in dano siyaasadeed uun laga leeyahay, haatanse ay tahay in doorasho sidii loo qaban lahaa laga shaqeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here