Al-Shabaab Oo Xukun Ku Fulisay Nin Gabar U Geystay Fal Kufsi Ah

0
286

Al-Shabaab Oo Xukun Ku Fulisay Nin Gabar U Geystay Fal Kufsi Ah

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa fagaaro ku yaalla degmada Buula Fullaay ee Gobolka Baay waxaa ay xukun kula fuliyeen Nin lagu helay inuu fal kufsi ah u geystay Gabar kamid ah dadka deegaanka.

Al-shabaab ayaa dadweyne farabadan isugu keentay gelinkii dambe ee shalay Goobta, iyaga oo daawanayay xukun Karbaash ah oo lagu fuliyay Max’med C/Caziiz Sheekh Cabdullaahi oo ahaa Wiilka kufsaday gabadha.

Eedeeysane Maxamed Cabdicasiis oo aan horay guur usoo marin ayaa lagu dhuftay 100 Karbaash, kadib markii u qirtay inuu kufsi u geystay Gabar kamid ah dadka deegaanka degmada Buula Fullaay.

Sidoo kale Maxamed oo la sheegay inuu xadgudubka geystay ayaa laga qaaday qaalin Geeli sedax jir ah oo ah Maharka gabadha uu kufsaday, waxaana lagu xukumay in muddo sanad ah laga masaafuriyay deegaankii uu falka ka geystay.

Si kastaba Al-shabaab horey sidaan oo kale xukuno ugu fulisay rag kufsi ka geystay deegaano ay kaga sugan yihiin Gobolada dalka, halka kuwo kalena ku fulisay xukuno kala duwan, kadib markii ay ku heleen dembiyo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here