Farmaajo Oo Markii 4-Aad Shir Isugu Yeeray Madaxda M/Goboleedyada

0
321

Farmaajo Oo Markii 4-Aad Shir Isugu Yeeray Madaxda M/Goboleedyada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii afaraad Shir isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Shirka oo dhacaya 22-ka bishaan ayaa waxaa uu yahay mid lagu dhammeystirayo dadaalladii iyo wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka ee u dhexeeyey Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan oo labo maalmood soconaya ayaa waxaa looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii Sebteembar 2020.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka in ay ahmiyad wayn siiyaan shirkan lagu dhammeystirayo tabashooyinkii kasoo laabtay heshiiskii doorashooyinka si dalka loogu jiheeyo doorasho xor iyo xalaal ah.

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Teendhada Afisyooni ayaa waxaa lagu balansanaa inuu ka dhaco Shir u dhexeeya Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada, waxaana shirkaas oo Beesha Caalamka qaban-qaabineysay oo u muuqdaa mid beesha ka baxay, kadib shirkii xalay uu Madaxweyne Farmaajo Iclaamiyay.

Madaxweyneynayaasha Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa horey dhowr shuruud ku xiray ka qeyb galka shir uu ku baaqay Farmaajo, tan iyo markii ]8-dii bishii Febraayo uu dhammaaday muddo xileedkiisa rasmiga ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here