Mahdi Guuleed “Maxkamadda waxay maanta dhageysan doontaa gunaanadka dacwadda Badda”

0
268

Mahdi Guuleed “Maxkamadda waxay maanta dhageysan doontaa gunaanadka dacwadda Badda”

Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ayaa maanta dhageysan doonta gunaanadka dacwadda badda ee u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya, kaddib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay Maxkamaddu dhageysatay dooddii ergadii mataleysay Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegtay in maanta Maxkamadda ay dhageysan doonto gunaanadka dacwadda badda, kaddib markii ay go’aankaas qaadatay maxkamadda,

Kenya ayaa sababaha ay uga baaqsatay dhageysiga dacwadda Badda ku sheegtay cudurka safmarka ee Covid-19, waxaana maxkamadda ay dhagaha ka fureysatay dalab Kenya ku dooneysay in la baajiyo dhageysiga dacwadda.

Dacwadda u dhaxeysay Soomaaliya iyo Kenya oo soo jiitamayay illaa 10-kii sano ee la soo dhaafay ayaa Maxkamadda la filayaa inay go’aan kama dambeys ah ka soo saarto, waxaana la filayaa in go’aankaas uu dhaco ugu yaraan 3 illaa lix bil kaddib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here