Dowlada Uganda Oo Qorsheynaysa İn Ay Ciidamo Hor Leh Usoo Dirto Soomaaliya

0
267

Dowlada Uganda Oo Qorsheynaysa İn Ay Ciidamo Hor Leh Usoo Dirto Soomaaliya

Dowladda uganda ayaa qorsheynaysa in Ciidamo hor leh ay usoo dirto Soomaaliya, kuwaasi oo qayb ka noqonaya Howlagalka nabad ilaalinta ah ee AMISOM, waxaana la sheegay in 2,752 oo keyd ah oo ka socda UPDF uu qorshuhu yahay in la geeyo Soomaaliya.

Uganda ayaa waxaa ay horay ugu yeertay Charles Awany Otema oo ah taliyaha ciidamada keydka, sidoo kale waxaa la sheegay in ay jiraan 1,300 ciidan ah, kuwaasi oo iska xaadiriyey Xarunta Tababarrada Taageerada Nabadda ee Singo.

Ugaanda waxaa ay ka mid tahay Dalalka ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, waxaana Ciidankeedu ay qayb ka yihiin Howlgalka Nabad ilaalinta ee AMISOM, mana ahan marlkii ugu horreysay ee ay Uganda Ciidamo hor leh usoo dirto Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here