DEG DEG:-Golaha Shacabka Somaliya Oo Ansixiyay Xeerka Matalaada Gobolka Banaadir Ee Aqalka Sare

0
419

DEG DEG:-Golaha Shacabka Somaliya Oo Ansixiyay Xeerka Matalaada Gobolka Banaadir Ee Aqalka Sare

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa haatan waxaa uu kulan uga socdaa Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, iyadoo Ajendaha uu yahay mid xasaasi ah.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay dhameystirka ka doodista xeerka Matalaada Gobolka Banaadir ee Golaha Aqalka Sare oo maalmihii lasoo dhaafay Xildhibaanada ay ka doodayeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Shir Guddoominaya kulanka, isla markaana waxaa goobjoog ka ah inta badan Xildhibaanada.

Intaas kadib Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Cod aqlabiyad ah ku ansixiyay in Gobolka Banaadir uu Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ku yeesho Aqalka Sare 13 Senators.

142 xildhibaan ayaa ogoladay in Gobolka Banaadir uu Golaha Aqalka Sare ee ku yeesho 13 kursi, isla markaana weaxaa diiday 4 Xildhibaan, halka uusan jirin Xildhibaan ka aamusay Codeynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here