Somaliland Oo Maanta Shaacisay Dad Ajaanib Ah Oo Laga Helay COVID-19

0
462

Somaliland Oo Maanta Shaacisay Dad Ajaanib Ah Oo Laga Helay COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Maanta oo Arbaco ah shaacisay Dad Cusub oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus, iyadoo Cudurka uu u muuqdo mid kusii faafaya deegaannada Maamulkaas.

Warbixinta maalinlaha ah ee Waasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in 24-saac ee lasoo dhaafay Cudurka laga baaray 130 qof, isla markaana laga helay 17 kamid ah dadkaas, kuwaasi oo baaritaano kala duwan lagu sameeyay.

Dadka laga helay COVID-19 ayaa isugu jira 12 ruux oo Rag ah, halka 6-da kalena ay yihiin Dumar, waxaana ay kala joogaan Berbera 6 qof iyo Caasimadda Somaliland ee Magaalada Hargeysa 11 qof.

Sidoo kale Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in dadkaas 11 kamid ah ay yihiin dad Soomaali ah oo degan Somaliland, halka 6-na ay yihiin dad Ajaanib ah, waxaana ay Da’doodu ay u dhexeeysaa 10 sanno jir ilaa 89-sanno.

Tirada guud ee dadka deegaanada Somaliland laga helay Cudurka COVID-19 ayaa gaartay 526, waxaana ka bogsatay 148, isla markaana waxaa halkaas ugu geeriyootay 28 oo ay ku jiraan dad Ajaanib ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here