Ciidamo Farabadan Lagu Daadiyay Magaalada Laascaanood Iyo Cabsi Ka Jirta

0
401

Ciidamo Farabadan Lagu Daadiyay Magaalada Laascaanood Iyo Cabsi Ka Jirta

Wararka aan ka heleyno Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas xaafadaha iyo waddooyinka waaweyn ee ku yaalla saakay lagu soo daadiyay Ciidamo farabadan oo ka tirsan Somaliland.

Sababta keentay in Ciidamo la dhigo xaafadaha iyo waddooyinka Laasaacood ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii Maamulka Gobolka Sool ee Somaliad uu ka war helay qorshe ah in Magaalada uu ka dhici rabo Banaanbax xoogan.

Banaanbaxaas ayaa la tilmaamay in looga horjeedo Shirkii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ay ku yeesheen Dalka Jabuuti, isla markaana uu weli socdo shir ay leeyihiin Guddiyo farsamo oo labada dhinac ah.

Xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Sool ee Somaliland ayaa sheegay inay ka hortegayaan Banaanbax kasta la qorsheynayo inuu ka dhaco Magaalada, loogana soo horjeedo Shirka Jabuuti, iyadoo waddooyinka la geeyay Ciidamo isugu Boolis iyo Milateri ah.

Shalay ayay aheyd markii Magaalada Buuhoodle uu ka dhacay Banaanbax looga soo horjeeday Shirka Jabuuti ee Dowladda Federaalka iyo Somaliland, waxaana sidoo kale kulamo kale oo lagu diidayo shirkaas lagu qabtay deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here