Madaxweynaha Mareykanka Oo Eedeeyn Kulul Loo Jeediyay

0
361

Madaxweynaha Mareykanka Oo Eedeeyn Kulul Loo Jeediyay

Xoghayihii hore ee Arrimaha dibadda Mareykanka Colin Powell ayaa si adag u cabmaareeyey sida uu Madaxweyne Donald Trump uu u maareeyey mudaharaadyada cunsuriyadda looga soo horjeedo, isaga oo sheegay inuu dastuurka Mareykanka uu aad uga fogaaday.

Sargaalkan hore oo ka tirsanaa xisbiga Jamhuuriga, ayaa ka mid noqday saraakiisha hore ee dhaleeceysay sida uu Trump jawaab uga bixiyey mudaharaadyada oo ay ka mid ah ciidanka uu sheegay inuu adeegsanayo.

Wuxuuna Mr Powell sheegay doorashada dhaceyso bisha November inuu codkiisa siin doono musharraxa xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden.

Madaxweyne Trump oo hadalka Mr Powell ka jawaabay wuxuu ku tilmaamay “mid xad dhaaf ah”.

Mr Powell, oo ah ninka keli oo Madow oo soo noqday taliyaha madaxa taliska sare ee ciidamada Mareykanka, ayaa ku soo biiray saraakiisha milatari ee weerartay mowqifka madaxweyne Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here