Xaruntii ugu weyneyd Al-Shabaab oo xalay la duqeeyay

0
604

Xaruntii ugu weyneyd Al-Shabaab oo xalay la duqeeyay

Weeraro cirka ah ayaa xalay lagu qaaday deegaano ka tirsan Jubada Dhexe oo ay maamulaan Al-Shabaab, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo duqeymaha dhacay.

Sida wararku sheegayaan labo weerar ayaa xalay ka kala dhacday magaalooyinka Jilib iyo Jamaame, waxaana la sheegayaa in lagu bartilmaameedsaday saraakiil Shabaab ah.

Weerarka Koowaad oo dhacay Saqdii Dhexe ee xalay waxa uu ka dhacay degmada Jilib, halkaas oo Saldhigyo waa weyn ay ku leeyihiin Al-Shabaab, waxaana gantaalo lala dhacay goob la sheegya inuu ku sugnaa Sarkaal Mareykanka uu si aad ah u doon doonayo, kaasoo hore madixiisa malaayiin doollar loo dul dhigay.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubaland ayaa soo sheegaya in Sarkaal la bartilmaameedsaday uu wada shaqeyn dhow la lahaa hoggaamiyaha xilligan ee Kooxda Al-Shabaab.

Weerarka labaad ayaa isna ka dhacay xiliigii Suxuurta, waxaana degmada Jamaame lagu bartilmaameedsaday xubin sare oo la sheegay inuu Shabaab u qaabilsanaa dejinta Qorshayaasha, lamana oga wax khasaare ah oo duqeynta ka soo gaartay.

Labadan weerar waxa ay ku soo beegmeen maalmo yar uun kadib markii diyaaradaha Mareykanka ay 5-tii bishan gantaalo la dhaceen qeybo kamid ah magaalooyinka Jilib iyo Bu’aale, halka 6-dii bishanna uu weerar cirka ah ka dhacay Toora Tooroow.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana bishan kaliya dhacay in ka badan 5 weerar cirka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here