9 Qof Oo Ku Geeriyootay Qarax Ka Dhacay Pakistan

0
517

9 Qof Oo Ku Geeriyootay Qarax Ka Dhacay Pakistan

Qarax ayaa lala beegsaday meel ku dhow goob lagu cibaadaysto oo ku taalla magaalladda Labaad ee ugu weyn dalkaasi ee Lahoor, iyadoo ay ugu yaraan 9-qof ku geeriyootay, 24-kalena ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa u muuqday mid lala beegsaday gaari ay boliska lahaayeen oo ilaalo ka hayey mid ka mid ah albaabada laga galo Xarun cibaadaysi ee Suufiyiinta.

Ku-xigeenka Kormeeraha Guud ee Hawlgalladda Lahoor, Ashqaf Axmed Khaan ayaa sheegay in dadka ku geeriyooday qaraxaasi ay ka mid ahaayeen ugu yaraan 3 Askari, Ilaaliye dhinaca Ammaanka iyo qof rayid ah.

Dhinaca kale, Afhayeenka Kooxda Xisbul Axraar ee gacan-saarka leh Maleshiyadda Daalibaanta Pakistan, C/casiis Yuusafzay ayaa sheegay inay ka dambeeyeen Qaraxaasi, isagoo sheegay inay beegsadeen Askar ku sugnayd goobtaasi.

Wararka kale ee naga soo gaarayo Pakistan waxay sheegeen in Haweeneydii Kirishtaanka ee horey aflagaadada ugu geystay Islaamka in loo dhoofiyey dalka Kanada.

Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Aasiya Biibi waxay 8 sanno ku soo qaadatay Xabsiga kadib, markii dil lagu xukumay, balse, sannadkii hore ayaa cafis loo fidiyey.

Afhayeenkeeda oo lagu magacaabo Sayful Mauuk ayaa u sheegay Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa London in ay Haweeneydaasi gaartay Kanada, lana midowday qoyskeeda.

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here