Sheekh Shariif oo soo gaaray Muqdisho iyo Wasiirro ku soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha+SAWIRO

0
610

Sheekh Shariif oo soo gaaray Muqdisho iyo Wasiirro ku soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha+SAWIRO

Sheekh Shariif ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Wasiirka Amniga Qaranka, Xildhibaano ka tirsan labada Gole iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynihii hore Shariif ayaa loo galbiyay guriga uu ka degan yahay Muqdisho oo ku dhow agagaarka Garoonka Diyaaradaha, halkaasoo uu kula hadli doono taageerayaashiisa.

Socdaalka Sheekh Shariif ee Muqdisho ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay si aad ah loo hadal hayay, waxaana magaalada Muqdisho ka socday qaban qaabo lagu soo dhoweynayo.

Wararka ayaa sheegaya in maalinta Sabtida uu ka qeyb geli doono Munaasabad uu Xisbiga Himilo Qaran ku yeelanayo Muqdisho.

Sidoo kale warar ayaa sheegaya in Shariifka la kulmi doono Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, kulamada ayaa ah kulamo qado ah.

Sheekh Shariif ayaa in muddo ah ka gaabsanayay ka hadalka arrimaha siyaasadda, isagoo dhif iyo naadir uga hadla dhacdooyinka dalka ka dhaca, waxaa lagu tilmaamaa siyaasi qunyar socod ah oo fursado badan leh, hase ahaatee dadka qaar ayaa sheegaya in xiriirka dhow ee uu xilligan la leeyahay Madaxda Villa Somalia ayaa keeneysa in xaalado qaar aanu si dhab ah uga hadlin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here