DAAWO : Madaxweyne Farmaajo Iyo Dhiggiisa Dalka Masar Oo Ka Wada Hadlay Xaaladda Gobolka

0
612

DAAWO : Madaxweyne Farmaajo Iyo Dhiggiisa Dalka Masar Oo Ka Wada Hadlay Xaaladda Gobolka

Masar (Dalmar-News):- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galaya Shir Madaxeed ku saabsan xaaladaha dalalka Suudaan iyo Liibiya ayaa la kulmay Madaxweynaha Dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Masar dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta iyo horumarinta dalka.

Image may contain: 1 person

Madaxwaynaha ayaa uga mahad celiyey shacabka iyo Dowladda Masar garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo uu kala dhexeeyo xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi iyo dheef wadaag.

Image may contain: 2 people, people standing and suit

Dhankiisa, Madaxweyne Al-siisi ayaa ku bogaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya tallaabooyinka dowlad dhiska ah ee la qaaday, isagoona sheegay in dalkiisu uu sii wadayo taageeridda iyo xaqiijinta midnimada, amniga iyo horumarka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Cabdulfataax Al-sisi waxa uu adkeeyey muhiimadda ay u leedahay dalkiisa in ay si dhaw ula tashadaan, kalana kaashadaan Dowladda Soomaaliya qorsheyaashooda heer qaaradeed muddada xil-madaxeedkiisa Midowga Afrika.

Image may contain: 1 person, standing and suit

Labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu u sheegay dhiggiisa Dalka Masar in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin dadaallada heer qaaradeed, maadama uu haatan Guddoon u yahay Midowga Afrika.

Image may contain: 2 people, people sitting
Image may contain: 3 people, people sitting and indoor

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here