DEG DEG : Maxkamada Sare Oo Go’aan Ka Gaadhay Halka Lagu Qaadayo Dacwada Suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon

0
595

DEG DEG : Maxkamada Sare Oo Go’aan Ka Gaadhay Halka Lagu Qaadayo Dacwada Suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon

Maxkamada sare ee somaliland ayaa go’aamisay in dacwada ka dhanka ah suxufi Cabdimaali Muuse Coldoon lagu qaado maxkamada gobolka Maroodijeex.

Mubaarig Cabdi oo ah qareenka u doodaya suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa Hadhwanaagnews u sheegay in maxkamada sare ay go’aankan gaadhay ka dib markii ay codsi u gudbiyeen xeer ilaaliyaha guud iyo qaybta baadhista dambiyadu.

Qareen Mubaarig Cabdi ayaa sheegay in xeer ilaalinta iyo qaybta baadhista dambiyadu ay ka codsadeen maxkamada sare in dhagaysiga dacwada suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon loo soo wareejiyo maxkamadaha Hargeysa, iyaga oo codsigoodana ku sababeeyey arimo la xidhiidha dhinaca amniga.

Qareen Mubaarig Cabdi ayaa sheegay in maxkamada gobolka Maroodijeex ay qaadayso dacwada ka dhanka ah suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here