Ururka Xamaas oo ka horyimid xukuumada cusub ee Falastiin

0
585

Ururka Xamaas oo ka horyimid xukuumada cusub ee Falastiin

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa loo dhaariyay xilka madaxtinimo iyadoo Xisbiga Fatax uu noqon Doono kan haya Talada.

Cabaas ayaa sabtida maanta ah xilli uu ku sii jeeday magaalada Ramallah ee daanta galbeed sheegay in uu aqbalay in uu talada Qabto.

Xukuumada cusub ee Falastiin ayaa waxaa ra’isul wasaare ka noqon doona Maxamuud Shaatiyah.

Dhanka kale Ururka Xamaas ee fadhigoodu yahay magaalada Gaza ayaa ka horyimid magaacibada Shaatiyah.

Arintaan ayaa ka danbeysay kadib markii bishii Janaayo uu xilka iska casilay ra’isul wasaarihii hore ee Falastiin Raami Xamdallah,kadib wadahadal nabadeed oo dhexmaray Ururada Xamaas Iyo Fatah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here