Netanyahu oo u muuqda in uu ku guuleestay Doorashada Israel

0
616

Netanyahu oo u muuqda in uu ku guuleestay Doorashada Israel

Ra’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa u muuqda in uu markiisii shanaad ku guuleysanayo Xilka.

Codadkii la dhiibtay doorashada baarlamaaniga ee talaadadii shalay ayaa sadexda Tv ee ugu waaweyn Isreal ay tabinayaan in uu yahay Guuleystaha.

Netanyahu iyo hogaamiyaha ugu weyn ee asxaabta mucaaradka Mr Benny Gantz ayaa guulo sheegtay talaadadii xalay markii xarumaha codbixinta la soo xiray 10-kii Habeenimo.

Iyadoo ilaa iyo hada la tiriyay 97 boqolkiiba codadka la dhiibtay ayaa hogaamiyaha mucaaradka waxaa uu ku guuleestay 35 kursi taasi oo muujineysa in Netanyahu uu guuleestay.

Tani ayaa ka dhigan in xisbiga haya talada ee Likud uu awood u lahaan doono in uu soo dhiso dowlad awood badan.

Si kastaba ha ahaatee gudiga doorashada ayaa la filayaa in maanta si rasmi ah ay ugu dhawaaqaan Natiijada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here