Hindiya oo qorshaynaysa “in ay duulaan ku qaaddo Pakistan”

0
526

Hindiya oo qorshaynaysa “in ay duulaan ku qaaddo Pakistan”

Dawladda Pakistan ayaa sheegtay in heshay “xog sirdoon oo lagu kalsoonaan karo” oo sheegaysa in Hindiya ay qorshaynayso in ay weerar milatari ku soo qaaddo toddobaadkan, balse Hindiya ayaa arrintaas waxba kama jiraan ku tilmaantay, waxayna sheegtay “in Pakistan ay qabto cabsi dagaal oo xad dhaaf ah”.

Wasiirka arrimaha dibadda Shah Mehmood Qureshi ayaa hadalkaas sheegay Axaddii.

Iyadoo uusan awalba wanaagsanayn calaaqaadka labada dal ayuu haddana sii xumaaday sannadkan ka dib markii malayshiyo uu saldhigeedu yahay Pakistan ay dishay tobannaan ka mid ah ciidammada Hindiya ee ku sugan qaybta ay Hindiya maamusho ee gobolka Kashmir.

Hindiya ayaa arrintaas kaga jawaabtay duqaymo dhanka cirka ah oo kuwaas oo ay ku bartilmaameedsatay waxay ku tilmaantay xerooyin ay ku tababartaan malayshiyaad oo ku yaalla gudaha Pakistan.

Wax yar ka dibna Pakistan ayaa soo ridday diyaarad dagaal oo Hindiya leedahay taas oo maraysay qaybta ay Pakistan maamusho ee Kashmir, waxayna qabatay duuliyihii, balse maalmo ka dib ayaa loo celiyay Hindiya.

Duqaymihii dhanka cirka ahaa ee bishii Feebaraayo oo ka tallaabay xadka ay kala maamulaan ayaa ahaa kii koobaad tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalkii Pakistan iyo Hindiya ku dhex maray Kashmir 1971.

Labada dalba waxay sheegraan in ay leeyihiin gobolka Kashmir ee Muslimiintu aqlabiyadda ka yihiin, balse mid kaste qayb ayuu maamulaa.

Pakistan maxat tiri?

Weerarkii ka dib xiisadda ayaa u muuqatay in ay dagtay, balse Axaddii ayuu wasiirka arrimaha dibadda ee Pakistan sheegay in ay hayaan xog sirdoon oo tilmaamaysa in in Hindiya ay qarka u saaran tahay in ay weerar qaaddo.

“Waxaa jirta tallaabo kale oo lagu weerarayo Pakistan, sida ay tibaaxayaan wararka aan haynana, arrintaasi waxay dhici kartaa inta u dhaxaysa 16 Abriil ilaa 20,” sidaas uu Qureshi u sheegay saxafiyiinta.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegay in uu eedayntan jeediyay “iyadoo ay masuuliyadi ku ladhan tahay” wuxuuna ku dooday in weerarka lagu soo qaadayo looga golleeyahay sidii sare loogu qaadi lahaa “caddaadiska dublamaasiyadeed” ee dalkiisa la saarayo.

Pakistan ayaa sidoo kale u yeedhay danjire kuxigeenka Hindida, si ay uga dacwooto wax ay ugu yeertay qorshaha ay Hindiya waddo.

Siday Hindiya uga falcelisay?

Afhahyeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Hindiya ayaa sheegay “in Pakistan ay dan ka leedahay cabsida dagaalka ee ay gobolka ku soo dhextuurayso”.

“Tallaabadan waxay u muuqataa in looga golleeyahay baaq loo dirayo kooxaha argagixisada ah ee saldhigoodu yahay Pakistan si ay weerarro ugu qaadaan Hindiya”. Ayuu yiri afhayeenkaasi.

Wuxuu ku adkaystay “in Pakistan aysan indhaha ka qarsan karin masuuliyadda ay ku leedahay” weerarka gaariga la qarxiyay loo adeegsaday ee malayshiyadu ay ku bartilmaameedsatay Kashmir.

Hindiya ayaa wakhti dheer ku eedaynaysay Pakistan in ay malayshiyada Jaish-e-Mohammad (JeM) siisay gabaad, taas oo ay ku eedaysay in ay ka dambaysay weerarkii Pulwama.

 

bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here