Tirada dadkii ku dhintay qaraxii maanta ee Wadada Maka Al-Mukarama oo korortay

0
590

Tirada dadkii ku dhintay qaraxii maanta ee Wadada Maka Al-Mukarama oo korortay\

Ku dhowaad labaatan ruux ayaa ku geeriyootay qarax xooggan oo maanta ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan Labo maqaayad oo ku dhow Hotelka Wehliye.

Qaraxa ayaa ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo la dhigay wadada dhinaceeda, waxaana ka dhashay khasaare aad u baaxad leh.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in 16 ruux ay mareyso dhimashada, halka dhaawacu afartameeyo caga cageynayo.

Xildhibaanka ayaa sameeyay tirakoob iskiis ah, waxaana uu tagay Isbitaalada Digfeer, Madiina iyo Daaru Al-shifa.

“Dhimashada iyo Dhaawacyada aan kusoo arkay Isbitaalada Madiina, Digfeer iyo Daru Al-Shifaa waa sida soo socota, Isbitaal Madiina waxaa yaala 16 meyd ah iyo 20 dhaawac oo uu ku jiro Xildhibaan hore Cabdulqaadir Shacab, Isbitaalka Daru Al-Shifaa waxaa yaala 14 Dhaawac, halka Isbitaalka Digfeer uu yaallo 8 dhaawac.

Todobaad gudihiis ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay illaa 13 qarax oo isugu jira kuwa gaadiidka lagu xiro, qaraxyo ismiidaamin iyo qaraxa miino oo tan iyo khamiistii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada, waxaana ku dhintay dad gaaraya 43 ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here