Tahriibeyaal af duubtay markabkii badbaadiyayTahriibeyaal af duubtay markabkii badbaadiyay xeebaha Liibiya

0
570

Tahriibeyaal af duubtay markabkii badbaadiyay xeebaha Liibiya

Dad tahriib ah ayaa af duubtay markab badeeco sida oo ka badbaadiyay xeebaha Liibiya, ka dibna shaqaalihii ayay ku amreen in ay u sii qaadaan dhanka Malta, sida ay wararku sheegayaan.

In kabadan 100 ruux oo tahriibeyaal ah oo saaran markabka xamuulka qaada ayaa la sheegay in ay afduubka billaabeen markii lagu wargaliyay in Liibiya lagu celinayo.

Milatariga Malta ayaa sheegay in aan markabkaas loo ogolaan doonin in uu soo galo biyahooda. Ra’iisulwasaare ku xigeenka Talyaaniga Matteo Salvini ayaa isna tahriibeyaasha ku tilmaamay “burcad badeeed”

Arrintan ayaa imaanaysa iyaddoo Midawga Yurub uu sheegay in uu joojinayo gaafwareegidda badda Mediterranean-ka.

Midawga Yurub ayaa sheegay in go’aanka ay ku soo afjarayaan hawlgalka Operation Sophia bisha Sabteembar uu ka yimid dhanka Talyaaniga.

Qorshahaas ayaana la billaabay afar sano ka hor si looga hortago dadka wax tahriibiya loona badbaadiyo tahriibayaasha raba in ay Yurub ku tagaan doomaha. Tobannaan kun ayaana lagu badbaadiyay qorshahaas.

Wakhtiyadii dambese hawlgalka ayaa diiradda saaray shabakadaha wax tahriibiya arrintaas ayaana horseeday in ay heshiis wada galaan Midawga Yurub iyo Liibiya, waxaana hoos u dhacay tirada dadkii tahriibi jiray.

Balse Salvini oo ah hoggaamiyaha xisbiga siyaasaddiisu garabka midig tahay ayaa hawlgalka Operation Sophia ku eedeeyay in tahriibayaasha la keenayo biyaha Talyaaniga.

Markabka la afduubtay

Ma cadda meesha uu ku sugan yahay hadda markabka Elhiblu oo wada in kabadan 100 ruux oo tahriibeyaal ah.

Ciidammada ilaalada xeebaha Liibiyana wali si rasmi ah oogama aysan hadlin markabka la afduubtay.

Afhayeen u hadlay milatariga Malta ayaa sheegay in aysan miro dhalin dadaallo ay ku doonayeen in ay kula xiriiraan kabtanka markabka, sida ay ku warrantay warbaahinta Malta Today.

Masuuliyiinta Malta ayaa la socda xaaladda wax kasta oo ka soo kordhi karana waan isu diyaarinay ayuu intaas ku sii daray afhayeenkaas.

Dhanka kalana Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Talyaaniga ayaa ciwaankiisa Facebook-ga ku soo qoray “dad go’doonsan ma aha ee waa burcad” in ay adeegsadaan diirad ama waynayso oo kali ah ayay Talyaaniga ku arki doonaan.”

Salvini ayaa marar badan xuddun u noqday muran caalami ah oo ka dhashay maraakiib ay soo galooti saarnaayeen oo uu u diiday in ay ku soo xirtaan xeebaha Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here