Dumar dayaxa aaddi lahaa oo dhar la’eg loo waayay

0
571

Dumar dayaxa aaddi lahaa oo dhar la’eg loo waayay

Qorshe la doonayay in dayax gacmeed ay dumar kaliya wadaan hawada loo diro ayaa la joojiyay kadib markii la waayay gashi la’eg mid ka mid ah labadii dumar ee la diri lahaa sida ay sheegtay hay’adda cirbixiyeenada Maraykanka ee Nasa.

Christina Koch iyo Anne McClain ayaa lagu waday in maalinka jimcaha in ay dibedda uga baxaan xarunta dayax gacmeedyada caalamiga ah si ay u rakibaan batariyo.

Waxaase soo baxday in ay u baahanyihiin gashiga isku dayska ah oo cabirkiisu yahay kan dhexe, kaas oo mid qura uun laga hayay.

Sidaas darteed mid ka mid ah gabdhaha, Koch, ayaa banaanka la aadaysa nin lagu magacaabo Nick Hague.

Presentational white space

Cabirka gashiga ayaa muhiim ka ah hawlaha cirbixiyeenada si ay u helaan nafis iyo dhaqaaq wanaagsan.

Arrinta ugu muhiimsan ayaa ah qeybta aadka u adag ee xabadka ee gashigan, kaas oo qof lagu cabiray mooyee uusan qof kale isticmaali karin ama ay naftiisa halis ku tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here