Qarax gaari oo goor dhaw ka dhacay Isgoyska Taleex ee Magaalada Muqdisho

0
718

Qarax gaari oo goor dhaw ka dhacay Isgoyska Taleex ee Magaalada Muqdisho

Afar ruux oo shacab ah ayaa ku dhintay Qarax gaari oo goor dhaw ka dhacay Isgoyska Taleex ee Degmada Hodan.

Gaarigan qarxay ayaa la sheegay inuu maraayay wadada, waxaana daba socday gaadiid dad shacab ah saaran yihiin oo waxyeelo kala duwan ay ka dhalatay.

Gaariga qarxay ayaa la sheegayaa dadkii ku jiray inay ku dhinteen, waxaa kale oo dad shacab ay ku dhinteen gaari Homy ah oo wadada maraayay.

Saraakiil ka tirsan Hay,addaha ammaanka dowladda ayaa xaqiijiyay qaraxa dhacay inay ku dhinteen afar ruux oo shacab ah oo ay ku jiraan dadkii watay gaariga qarxay.

illaa hadda lama oga gaariga qarxay cida wadatay ee qaraxa gaariga loogu xiray, waxaana hadda goobta gaaray Ciidamada Booliska oo baaritaano halkaasi ka wada.

Maalmahan dambe ammaanka Muqdisho ayaa faraha ka baxay oo waxaa Magaalada ka dhacaya falal lidi ku ah dhanka ammaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here