Saraakiisha Kumaandooska Danab oo sheegay inay dileen madaxii amniyaadka Shabaab ee Shabellaha hoose

0
551

Saraakiisha Kumaandooska Danab oo sheegay inay dileen madaxii amniyaadka Shabaab ee Shabellaha hoose

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay gudaha deegaanka xeebte ee Jilib Marko ee Gobolka Shabellada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Danab, ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay hawlgalkaasi qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Jilib Marka in lagu dilay 22 Shabaab & laba Sarkaal.

Idaacadda ku hadashada Afka Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegtay in Saraakiil ka tirsan Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka oo ay u xaqiijiyeen in howlgal qorsheysan lagu bur buriyay saldhigii Al-shabaab ay ku lahayeen gudaha deegaanka Jilib Marko.

Saraakiisha Danab ayaa intaa raaciyay in xubno hogaan u ah Al-Shabaab iyo ku dhawaad 22 Dagaal yahan in Howlgalka ay ku dileen. Magacyada saraakiisha ay howlgalka sheegeen in ay ku dileen Ciidamada isugu jiray Danab iyo Mareykanka waxa ay ku kala sheegeen Abuu Yaasiin Sheikh Maxamed oo Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka gobolka shabellada Hoose iyo Maxamuud Abuu Xamza oo ay sheegeen saraakiisha in uu dhawaan kasoo laabtay Dalka Siiriya.

Ma jirto ilo wareedyo ka madax banaan Saraakiisha Danab oo xaqiijinaya in hawlgalkaasi qorsheysan lagu dilay xubnahaasi Shabaab ka tirsanaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here