Madaxweynaha Jabuuti oo ku soo wajahan Muqdisho iyo ujeedada socdaalkiisa oo la shaaciyay

0
624

Madaxweynaha Jabuuti oo ku soo wajahan Muqdisho iyo ujeedada socdaalkiisa oo la shaaciyay

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta oo sabti ah lagu wadaa inuu booqasho ku yimaado magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan ujeedada socdaalka Madaxweyne Geelle ayaa lagu sheegay sidii uu xarigga uga jari lahaa Safaaradda cusub ee Jabuuti ka dhisatay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Geelle iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa bishii February ee sanadkii 2017 si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha Safaaradda cusub ee Jabuuti oo ku taal degmada C/casiis, gaar ahaan dhanka Xero Mariino.

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo arrimaha ka jira Gobolka Geeska Afrika, waxaana Madaxweynaha uu bishii hore ee Febraayo booqasho ku tagay dalka Jabuuti

Sidoo kale Madaxweynaha Jabuuti ayaa lagu wadaa inuu booqdo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xiray waddooyin badan oo halbowle u ah isu socodka Xaafadaha, waxaana waddooyinka la dhigay ciidamo.

Tan iyo xalay waxaa magaalada Muqdisho ka socday diyaar garow iyo olole nadaafadeed, waxaana wadada Maka Al-mukarama ka socday nadiifin iyo wado dhaqid, iyadoo lagu arkayay gawaari booyado ah oo wadada biyo ku rusheynaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here