Gabadh badbaadineysa nolosha aabbe soo korsaday

0
686

Gabadh badbaadineysa nolosha aabbe soo korsaday

Haweeney ku nool gobolka North Carolina ee dalka Mareykanka ayaa dhowaan killideeda ugu deeqi doonta ninkii soo korsaday 27 sano kahor, si ay nolosheeda u badbaadiso.

DeLauren McKnight ayaa aad ula yaabay in gabadhaasi ay noqotay qofka keliya ee killideeda lagu tallaali karo aabbaheed, Billy Houze, iyagoo aanan dhiig iyo dhalashaba wadaagin.

Houze oo 64-sano-jir ah, xaaladda caafimaad ee kilyihiisa ayaa sii xumaanayay sanadkii 2016. Dhaqaatiirta ayaa u sheegay inuusan sii noolaan karin ilaa killi kale lagu beero.

 

Waxaa cajiib ahayd in dhammaan xubnaha kale ee qoyska aabbahan laga waayay qof killi u bixin kara.

Mr Houze, oo ah aabbe shan carruur ah leh, ayaa sheegay inuu aad ugu faanyao gabadhiisa.

“Waxay igu tiri, ‘Aabbe, waxaad u maleyneysay inaad nolosheyda badbaadineyso markii aad isoo kaxeysay, balse waxaad nolosheyda u badbaadineysay si aan taada u badbaadiyo.'”

Dhaqaatiirta oo xubnaha kale ee qoyska aabbahan baaray ayaa ogaaday inaysan suurto-gal ahayn inay killidooda ugu deeqaan, kaddibna bishii February, ayay baareen Ms McKnight, oo Mr Houze iyo xaaskiisa ay soo kaxaysteen sanadkii 1992 – waxayna noqotay qofka ku habboon ee killi u saari kara.

Markii Ms McKnight ay u sheegtay warkaas farxadda leh aan la fileyn, waxay sheegtay inuu aabbaheed farxad la ooyay.

Mr Houze iyo Ms McKnight ayaa geli doona qalliin toddobaadyada soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here