Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Afrika

0
615

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Afrika

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa magacaabay Ergey cusub oo u qaabilsan Geeska Afrika, kaasoo ah khabiir shaqooyin badan ka soo qabtay Qaramada Midoobey.

Parfait Onanga-Anyanga oo u dhashay Gabon ayaa noqonaya Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Afrika, waxaana uu horay u soo noqday Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Bartamaha Afrika.

Ergeygan cusub ee loo soo magacaabay Geeska Afrika ayaa howshiisa ugu badna noqonaya arrimaha Gobolka iyo caqabadaha ka jira xilligan.

Gobolka Geeska Afrika ayaa xilligan loo arkaa meel muhiim ah oo dalal badan ku loolamayaan marka loo eego Istiraatiijiyad ahaan, waxaana uu xafiiskan cusub ku soo aadayaa iyadoo wadamo badan ku loolamayaan gobolka, sida Mareykanka, Shiinaha, Khaliijka iyo Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here