Mareykanka oo sheegay laba dagaalyahan Shabaab inuu ku dilay duqeyn ka dhacday Shabellaha hoose

0
534

Mareykanka oo sheegay laba dagaalyahan Shabaab inuu ku dilay duqeyn ka dhacday Shabellaha hoose

Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM waxay sheegteen inay 2 Dagaalyahan ku dileen duqeyn ay Talaadadii la soo dhaafay ka fuliyeen Koonfurta Somalia.

Hadal ay AFRICOM xalay soo saartay ayey ku sheegeen inay duqeyntaasi ka dhacday agagaarka Deegaanka Huleey oo ka tirsan Gobalka Sh/hoose, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Mareykanka ayaa sheegay duqeyntaasi khasaare inuusan ka soo gaarin dadka shacabka ah, balse la bartilmaameedsaday kaliya dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Duqeymaha lala beegsado dagaalyahanada ka tirsan Shabaab ayaa kordhay sanadkaan, iyadoo Mareykanka uu meelo badan Shabaab ku duqeeyay Gobolka Shabellaha hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here