Wafdi uu hoggaaminaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya oo gaaray dalka Jordan

0
451

Wafdi uu hoggaaminaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya oo gaaray dalka Jordan

Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomalaiya Mudane Mohamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa gaaray Magaalada Camaan ee Casimada wadanka Jordan.

Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda dalkaasi Urdun waxaa ku soo dhaweyey Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Jordan Dr.Nasar Alqeysi iyo xubno kale oo ka tirsan baarlamaanka wadankaasi Jordan.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka  iyo Wafdigiisa ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan shirka 29 ee midowga baarlamaanada carabta ( Arab IPU ) oo ka dhici doona 3-4 March 2019 magaalada Jordan kaa soo socon doon ilaa labo  maalmood.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya inta uu joogo wadankasi Urdun waxaa uu kulamo la qaadan doona madax kaladuwan oo ka qeybgalaysa shirkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here