Mareykanka oo sheegay duqeyn uu ka gaystay Gobolka Hiiraan inuu ku dilay 26 Shabaab

0
753

Mareykanka oo sheegay duqeyn uu ka gaystay Gobolka Hiiraan inuu ku dilay 26 Shabaab

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Agaasime-ku xigeenka Sirdoonka ee Taliska Milltariga Mareykanka ka jooga Qaraadda Afrika ee AFRICOM, Gregori Hadfild  ayuu ku sheegtay inay maalmihi ila soo dhaafay kordhiyeen Hawlgaladooda Duqeynta ee ka dhanka ah Alshabab, waa sida ay hadalka u dhigeen.

AFRICOM waaxay sheegtay in 26 Dagaalamayaal Alshabaab ku dileen duqeyn habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay ka dhacday Gobalka Hiiraan, balse faahfaahin kale ma bixinin.

Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaraadda Afrika ee AFRICOM  waxay kaloo sheegeen in duqeyntaasi ugu dambeysay timid, iyadoo ay Alshabaab weeraro iyo qaraxyo habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay ka geysteen magaalladda Muqdisho.

Dhinaca kale,  Qoraalkaka soo baxay Agaasime-ku-xigeenka Sirdoonka ee Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaraadda Afrika ee AFRICOM, Gregori Hadfild  ayuu ku sheegay in Duqeymahaasi oo kale looga dan leeyhaay in cadaadis lagu saaro Alshabaab, lagana carqaladeeyo qorshooyinka ay ku doonayaan inay weeraro la qorsheeyey u geystaan dadka Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigay.

Duqeymahaasi ayaa sii socda, iyadoo Taliyaha Taliska AFRICOM ee xilka ka sii degayo, Jeneral Thomas Waldhauser dhawaan u sheegay Mudanayaasha Aqalka Senedka Mraaykanka inaan Alshabaab lagu joojin karin Duqeymada Diyaaradaha, wuxuuna ugu baaqay Ciiddanka Somalia inay qaataan mas’uuliyad dheerada ah ee La-dagaalanka Alshabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here