Hoobiyeyaal ku soo dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda Villa Somaliya

0
589

Hoobiyeyaal ku soo dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda Villa Somaliya

Goor dhaweyd ayaa agagaarka Madaxtooyadda Villa Somaliya waxaa ku soo dhacay tiro hoobiyeyaal ah oo aan la garaneyn rasmi ahaan goobta laga soo tuuray.

Dhawaqa madaafiicda ayaa laga maqlay Xaafadaha ku hareeraysan Madaxtooyadda Villa Somaliya, halkaasi oo qaarkood hoobiyeyaasha ay ku dhaceen.

Xaafadaha ka dambeeya Madaxtooyadda Somaliya ee 15-May & Xaafadda Caga Dhiig oo dhamaan ka tirsan Degmada Warta Nabadda, ayaa la sheegayaa inay hoobiyeyaasha qaar ku dhaceen.

Lama oga Khasaaraha ay sababeen hoobiyeyaasha oo dadka si wayn uga argagaxeen, iyaga oo dadka horay uga argagaxsanaayeen qaraxyadii & dagaalkii Shabaab ay ku qaadeen dhismayaal ku yaal Wadada Maka Al-Mukarama.

Illaa Afar hoobiyeyaal ah ayaa lagu qiyaasayaa Madaafiicda soo dhacday oo si faah faahsan aanan loo helin goobaha rasmiga ah ee ay ku kala dhaceen.

Al Shabaab ayaa xilliyada qaar sidan oo kale madaafiic ugu soo tuurta Madaxtooyadda Somaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here