Mareykanka oo abaal marin lacageed dul dhigay madaxa wiil uu dhalay Usaama Bin Laadin

0
626

Mareykanka oo abaal marin lacageed dul dhigay madaxa wiil uu dhalay Usaama Bin Laadin

Dowlada Mareykanka ayaa lacag dhan hal millon oo dollar dul dhigtay cida soo sheegta meesha uu ku sugan yahay ama xogtiisa wiil uu dhalay hogaamiyihii hore ee Urur-ka al Qaacida Usama Bin Laadin.

War saxaafadeed galinkii danbe ee khamiistii shalay ka soo baxay wasaarada Arimaha dibeda ayaa lagu sheegay in Xamsa Bin Laadin uu yahay xiligaan hogaaniye soo koraya oo muhiim ka ah gudaha Ururka Al-Qaacida.

Xamza ayaa muuqaalo iyo codad uu soo duubay waxaa uu marar badan ugu baaqay dagaalyahanada Urur ka in ay weerar ku qaadaan dalalka reer galbeedka iyo gudaha wadanka Mareykanka si loogu aargudo aabihii oo ku dhintay howlgal Mareykanka ka sameeyay dalka Pakistaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here