Isreal oo 20 bil kadib sii daayay Haweeney ka tirsan Baarlamaanka Falastiin

0
560

Isreal oo 20 bil kadib sii daayay Haweeney ka tirsan Baarlamaanka Falastiin

Dowlada Isreal ayaa sii deysay haweeney ka tirsan baarlamaanka Falastiin oo xabsi ku jirtay 20-kii bilood ee la soo dhaafay iyadoo aan la maxkamadeyn,kadib markii ay ku eedeyeen in ay qeyb ka tahay ururka xoreynta Falastiin.

Marwo Khadiija Jarrar oo 56 jir ah ayaa sii deynteeda waxaa xaqiijiyay seygeeda oo lagu magacaabo Ghashan khamiistii shalay’ iyadoo sidoo kale uu xaqiijiyay sargaal sare oo ka tirsan ururka xoreynta Falastiin oo lagu magacaabo Hanan Ashraawi.

Haweneeneydaan ayaa horay u sheegtay in ay tahay xildhibaan la soo doortay una ololeysa xuquuqda aadanaha xaqna ay u leedahay in ay ka hadasho dhibaatada Isreal ay ku heyso shacabka Falastiin.

Jarar oo ah hooyo heysata sadex caruur ah ayaa milatariga Isreal waxay xireen 2-dii bishii Jully ee sanadkii 2017-dii kadib markii ay ku eedeeyeen in ay xubin ka tahay dhaqdhaqaaqa xoreynta Falastiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here