Ray’sal wasaaraha Hindiya Imran Khan oo ku dhawaaqay in la sii deyn doono duuliyaha ay qabteen Hindiya

0
542

Ray’sal wasaaraha Hindiya Imran Khan oo ku dhawaaqay in la sii deyn doono duuliyaha ay qabteen Hindiya

Ra,isul wasaaraha dalka Pakistaan Imran Khan ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in jimcaha Berito ah ay sii deyn doonaan duuliye milatari oo u dhashay Hindiya oo arbacadii shalay gacanta lagu dhigay.

Duuliyahaan ayaa waxaa uu kaxeynayay dhowr diyaaradood oo duqeyn ka geestay waqooyoga Pakistaan oo laba ka mid ah dhulka la soo dhigay.

Khan ayaa ka hor sheegay kala fadhiga baarlamaanka Pakistaan oo ka dhacay maanta magaalada caasimada ah ee Islamabad in dowladiisa ay si nabad gelyo ah ugu wareejin doonto duuliyaahaan xukuumada Hindiya.

Mr Imran ayaa dhanka kale sheegay in uu xalay isku dayay in taleefan uu kula xiriiro dhigiisa Hindiya Narendra Modi balse aysan u suura galin.

Si kastaba ha ahaatee warbaahinta maxaliga ah ee Hindiya ayaa tabisay in duuliyaha Pakistaan ay gacanta ku dhigtay lagu magacaabo Abhinandan Varthaman.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here