Faahfaahin ka soo baxaysa qaraxyo ka dhacay caawa magaalada Muqdisho

0
564

Faahfaahin ka soo baxaysa qaraxyo ka dhacay caawa magaalada Muqdisho

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qarax caawa qarax   ka dhacay Laamiga Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho gaar ahaan goobo ay ku yaalaan Huteelo iyo xarumo kale oo ganacsi.

Qaraxa oon wali la ogeyn gaariga loo adeegsaday nuuca uu yahay ayaa ka dhacay meel aad ugu dhaw Hotelka Maka Al Mukarama , waxa uuna qaraxan khasaaro xoogan uu ka soo gaaray Hotelka Maka Al Mukarama, hoteelo kale oo ku dhaw iyo dhismayaal badan iyadoo uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ma jirto illaa iyo cid og qasaaraha ka dhashay qaraxa iyadoo wararka ay sheegayaan in qarax labaad uu ka dhacay meel aan ka dheereyn halka uu qaraxii hore ka dhacay.

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa xiray aagga uu qaraxu ka dhacay, waxaana halkaasi ka socda gurmad xoogan oo loo sameynayo dadka ay waxyeelada  kasoo gaartay qaraxyadan oo laga maqlay Muqdisho iyo deegaanada ku dhow dhow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here