Pakistan oo soo riday labo diyaarad dagaal oo Hindiya leedahay

0
519

Pakistan oo soo riday labo diyaarad dagaal oo Hindiya leedahay

Pakistan ayaa ku dhawaaqday inay soo riday labo diyaarad dagaal ay leedahay Hindiya, kaddib markii ay gudaha u soo gashay hawadeeda.

Xiisada u dhaxeysa Hindiya iyo Pakistan ayaa soo xoogeysaneysay saacadihii u dambeeyay, markii diyaaradaha dagaal ee Hindiya ay duqeyn ka geysteen gudaha Pakistan.

Diyaaradaha dagaal ee Hindiya ayaa la sheegay inay soo galeen Hawada Kashmir qeybta ay Pakistan mamausho

Afhayeen u hadlay Milateriga Pakistan Gen. Asif Ghafoor ayaa sheegay inay soo rideen labo diyaaradood oo ay leedahay Hindiya, isagoo tilmaamay in la xiray mid ka mid ah duuliyeyaasha diyaaradda Hindiya.

Waxaa uu sheegay in labada diyaaradood midna ay ku soo dhacday dhulka ay maamusho Pakistan, midka kalena ku dhacday gudaha Hindiya.

Hindiya ayaa sheegtay in saddex diyaaradood oo ay leedahay Pakistan ay soo galeen Arbacadii maanta Hawada Kashmir qeybta ay maamusho Hindiya, hase ahaatee ay joojiyeen diyaaradaha dagaalka Hindiya, dibna ay u laabteen.

Dowladda Hindiya ayaa shalay sheegtay inay duqeysay xarumo ay ku sugnaayeen Kooxda Islaamiga ee Jesh Mohamed oo dhowaan sheegtay mas’uuliyadda weerar is qarxin ah oo lagu laayay 40 askari ka tirsan Ciidanka Hindiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here