Jubbaland oo war ka soo saartay doorashooyinka ku soo fool leh iyo Amarro Musharaxiinta lagu soo rogay

0
525

Jubbaland oo war ka soo saartay doorashooyinka ku soo fool leh iyo Amarro Musharaxiinta lagu soo rogay

Guddiga Amniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa mamnuucay olole doorasho oo xilligan la qabto, iyagoo ku wargeliyay Musharaxiinta in nidaamka Ololaha doorashada looga dambeeyo Guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha oo dhowaan la dhisi doono.

War murtiyeedka ka soo baxay Guddiga Amniga Jubbaland ayaa lagu wargeliyay Musharaxiinta ka imaanaya meel ka baxsan deegaanada Jubbaland ay soo wargeliyaan Jubbaland, si ammaankooda loo sugo.

Sidoo kale waxaa la sheegay in aan la ogolaan doonin ilaalo gaar ah, iyadoo ammaanka musharaxiinta ay damaanad qaadeyso Maamulka Jubbaland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here