Turkiga oo ugu baaqay Shiinaha in uu joojiyo dhibaatada uu ku hayo muslimiinta Uighurs

0
573

Turkiga oo ugu baaqay Shiinaha in uu joojiyo dhibaatada uu ku hayo muslimiinta Uighurs

Wasiirka Arimaha dibeda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in aad uga walaacsan yahay dhibaatada lagu hayo muslimiinta ku nool wadanka Shiinaha oo dhibaato ay ku heyso dowlada waxaana uu ugu baaqay Shiinaha in ay dhowrto xaqa uu ruux kasta u leeyahay diintiisa.

Hey,ada qaramada midoobay ee u dooda xuquuqda aadanaha ayaa daah furtay shir sanadle ah kaasi oo ay ka qeyb galayaan wadamada Turkiga iyo ururka islaamka si loo eego waxa uu shiinaha ugu yeeray tababarada iyo waxbarashada uu u sameyanayo qowmiyada Uighurs.

Qabiiro u hadlay qaramada midoobay ayaa sheegay in ka badan hal Million oo ruux lagu ooday xeryo aysan awoodin in ay ka soo baxaan kuwaasi oo ku hadla luuqada Turkic,balse maamulka Shiinaha ayaa diiday eeda loo jeediyay.

Mevlut Cavusoglu oo ka hadlayay shirka qaramada midoobay ay ku qabatay magaalada Geneva ayaa sheegay in wax laga walaaco ay tahay tacadiyada iyo xadgudubka uu shiinaha ku hayo muslimiinta gobolka Xinjiang

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here