RW Khayre oo ka hadlay dilka loo geystay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore.

0
567

RW Khayre oo ka hadlay dilka loo geystay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistii Xildhibaan Cismaan Cilmi boqore oo lagu diley gelinkii dambe ee maanta magaalada Muqdisho.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa uga tacsiyadeeyay Qoyskii,Qaraabadii,Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed oo uu ka baxay Xildhibaanka,isagoona Alle uga baryay inuu Janadii fardowso ka waraabiyo marxumka,Qoyskii iyo Qarankii uu ka baxayna samir iyo iimaan Alle ka siiyo.

Sidoo kale waxaa geerida Xildhibaan boqore ka tacsiyadeeyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka iyo xubno kale oo dowladda katirsan.

Marxuumka la dilay oo ahaa Xildhibaanka ugu da’da weyn golaha Shacabka ee baarlmaanka Soomalaiya,Wuxuu ahaa nin qaranka u soo shaqeeyey mud dheer, isagoo ka qeybgalay dagaalkii 1964 ee Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmaray kuna dhaawacmay asagoo askari ah, waxa uu  ciidanka ku gaaray gaashaanle sare, wuxuu soo noqday guddoomiye ku xigeenka barlamaanka, Isagoo haatan xubin ka ahaa Gudidga Difaaca Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomalaiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here