Ciidamada ammaanka oo xiray qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho

0
473

Ciidamada ammaanka oo xiray qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho

Ciidamada ammaanka dowladda ayaa saaka xiray qaar ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoo dadka shacabka ee shaqooyinka u socda ay yihiin kuwa lugeynaya wadooyinka waaweyn ee Magaalada.

Ciidamada Booliska ayaa lagu arkayaa wadooyinka iyaga oo celinaya gaadiidka dadweynaha, balse ogolaanaya kaliya gaadiidka Dowladda inay maraan wadada.

Wadooyinka xiran waxaa ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama oo ka xiran illaa Ex-Control Afgooye, halkaasi oo ay buux dhaafiyeen Ciidamada Booliska ee qaabilsan ammaanka Muqdisho.

Ujeedada wadada loo xiray ayaa waxa ay tahay in madaxda ugu sareysa dalka ay ka qayb galayaan Xafladda lagu daah furaayo Xabsi wayn oo dowladda Somaliya ay ka dhistay duleedka Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Ciidamada Asluubta Somaliya ayaa u dabaaldagaya maanta 49-sano guuradii ka soo wareegatay markii la aas-aasay Ciidamada Asluubta oo maanta ku beegan.

Madaxda Dowladda Federalka Somaliya ayaa la filayaa inay ka qayb galaan munaasabada Xabsigaasi xariga looga jaraayo ee maanta ka dhaceysa duleedka dhanka Koonfureed ee Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here