Burcad South Afrikan oo dil iyo dhaawac ugu gaysatay dalkaasi muwaadiniin Somali ah

0
564

Burcad South Afrikan oo dil iyo dhaawac ugu gaysatay dalkaasi muwaadiniin Somali ah

Wararka naga soo gaaraya dalka koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in Koox burcad ah uu u dhashay dalkaas ay xalay weerareen goob Ganacsi oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaali ah,isla markaana ay ka geysteen dil iyo dhaawac.

Kooxda Burcada ah ayaa waxa ay dileen Muwaadin Soomaaliyeed halka mid kalena ay ku dhaawaceen Goobtooda Ganacsi oo ku taalla  degmada la yiraahdo Mamalodi ee Hoos tagta Magaalada Pretoria Ee Dalkaasi Koonfur Afrika.

Muwaadinka Soomaaliyeed ee la dilay lagu Magacaabi jiray Yuusuf Sheekh Maxamed halka kooxda Burcad ah ay dhaawac culus u geysatay Wiil Magaciisa lagu soo koobay Cabduqaadir.

Kooxdii Burcada aheyd ee falkaasi geystay ayaa goobta isaga baxsatay,mana jirin cid isku-dayday inay soo qabato,waxaana dhaawaca Muwaadinka Soomaalida ah la geeyay mid ka mid ah Isbitaalada degmada Mamalodi ee Hoos tagta Magaalada Pretoria si loogu daaweeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here