DEG DEG : ONLF oo ku dhawaaqday inay hubkii iska dhigtay

0
574

DEG DEG : ONLF oo ku dhawaaqday inay hubkii iska dhigtay

Ururka ONLF oo heshiis la galay Dowladda Itoobiya iyo Ismaamulka Soomaalida ayaa ku dhawaaqay inay sameeyeen Hub ka dhigis, kaddib muddo labaatan sano ka badan oo ay u dagaalamayeen Xornimo doon

Magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida waxaa lagu qabtay munaasabad  looga dhawaaqay inay ONLF ka mid noqotay dadka caadiga ah, Hubkii ay ku dagaalameysaynay ay iska dhigtay.

Hoggaanka ONLF ayaa madasha ka sheegay in tirada Ciidamada Hubka dhigtay ay gaarayaan 1,740, waxaana Hubkooda lagu wareejiyay Ismaamulka Soomaalida.

Madaxweyne Mustafa Cagjar ayaa sheegay in Ciidamada Hubka iska dhigay ay fursad u heystaan iney kala doortaan kamid noqoshada Shaqaalaha Dowladda ama Ciidamada Ismaamulka Soomaalida, si ay kaga shaqeeyaan danaha gobolka.

Bishii Agoosto ee 2018­kii ayey ONLF ku dhowaaqday Xabad Joojin hal dhinac ah, taasoo loo fasirtay iney tahay bilowga isu soo dhowaanshaha Dowladda Itoobiya iyo Jabhadan, taasoo soo dadajisay in Hogaankii ugu sareeya uu ka soo guuro magaalada Asmara.

ONLF oo tan iyo 1991-­dii udagaalameysa sidii shacabka Soomaaliyeed ee hoostaga xukuumada Addis Ababa u heli lahaayeen xorriyad ay isku maamulaan, ayaa sheegtay iney Ciidamadooda ay Hubka u dhigeen sidii ay door uga qaadan lahaayeen isbedelada Gobolka ka socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here