Muxuu Daarnaa Kulan ay yeesheen Xisbiga UCID Iyo Kominshanka Doorashooyinka 

0
560

Muxuu Daarnaa Kulan ay yeesheen Xisbiga UCID Iyo Kominshanka Doorashooyinka

Hargeysa (Dalmar-News):- Xisbiga Mucaaradka ah ee ucid ayaa maanta kulan layeesha gudida doorashooyinka somaliland kaasi oo lagaga hadlay sidii gudida doorashadu u dardar galin lahayd sidii aanay markale dibu u dhac ugu iman doorashadda golaha wakiiladda iyo golayaasha deegaanka.

Kulankan ay Xisbiga Ucid layesheen gudida doorasooyinka oo albaabadu u xidhnayeen ayaa markii uu soo dhamaaday waxa lagu sheegay in ay ka wadda hadleen xisbiga ucid iyo gudida doorashadi Sida Ay hadda ay gudidu u wadaan qab-qaabadda iyo u diyaar garowga ay ugu jiraan sidii loogu diyaari garoobi lahaa doorashadda.

Xisbiga ucid ayaa kulankan ay gudida doorashadda layesheen waxa u matalayay Xoghayaha Arimaha Gudaha Xisbiga Ucid Maxamuud Saleebaan Ramaax oo ay wehelinayaan Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga ucid yuusuf kayse cabdilaahi iyo guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Jiir Cali Madoobe.

Kulankan ayaa waxa uu gooni u ahaa oo kaliya xisbiga ucid,waxaana diiradda lagu saaray sidii loo dardar galin lahaa arimaha doorashooyinka oo aanay dib u dhac ugu iman lahayn,waxaana ay xisbiga ucid rajo yididiilo leh ka muujiyeen in qaabka ay hadda wax u socdaan muujinayso in ay qabsoomi karaan doorashadda wakiiladda iyo deegaanka hadii xisbiyadda iyo gudida doorashooyinku ay wada shaqayntooda ay xoojiyaan

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here