Iiraan oo ku hanjabtay in ay ka jawaabi doonto duqeymaha ay Isreal ka wado Suuriya

0
552

Iiraan oo ku hanjabtay in ay ka jawaabi doonto duqeymaha ay Isreal ka wado Suuriya

Dowlada islaamiga ah ee dalka Iiraan ayaa digniin u jeedisay milatariga Israel ee duqeymaha ka wada daafaha magaalada caasimada ah ee dimishiq ee dalka Suuriya.

Isreal oo cabsida ugu weyn ee dhanka amniga ah ka qabto xukuumada Tehran ayaa duqeymo ka geysaneysay tan iyo dabayaaqadii sanadkii hore saldhigyo ay ku sugan yihiin dagaal yahano ay tababartay dowlada Iiran oo taageeraya xukuumada Bashar Al-Asad.

Wasiirka Arimaha dibeda Suuriya Waliid Al Macalim ayaa talaadada maanta ah kulan kula qaatay Caasimada Tehran xoghayaha guud ee dhanka amniga Cali Shamkhani, waxaana labada dhinac ay sheegeen in Isreal ay ku xadgudubtay madax banaanida dalkan Carbeed.

Maamulka Tell Aviv ayaa sheegay in uu sii wadi doono duqeymaha ka dhanka ah dagaalyahanada Iiraan ee taageerada siinaya xukuumada Asad sideedii sano ee dagaalka sokeeye ka socday Suuriya.

Si kastaba ha ahaatee Iiraan ayaa ku hanjabtay in jawaab waafi ah ay ka bixin doonto hadii Isreal ay mardanbe duqeyn ka geysato gudaha Suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here