Sirdoonka Kenya oo sheeegay in weerarkii Dusit laga soo abaabulay xerada Dadaab

0
867

Sirdoonka Kenya oo sheeegay in weerarkii Dusit laga soo abaabulay xerada Dadaab

Weerarkii ka dhacay hotelka Dusit ee magaalada Niarobi ee caasimada dalka Kenya oo hada laga joogo 20 maalin ayaa howlgalo ay sameeyeen ciidanka amaanka waxaa lagu xiray 12 ruux oo la tuhmayaal ah agagaarka xerada qaxootiga Dadaab.

Saraakiisha sirdoonka iyo ciidamada kale ee amniga oo is kaashanaya ayaa sheegay in mid ka mid ah ragii weerarkaan ka danbeeyay uu ka soo baxay xerada qaxootiga dhagahleey oo ka mid ah xeryaha ugu waaweyn ee ku nool yihiin qaxootiga soomaaliyeed ee Kenya.

Ma ahan kaliya in dagaalyahankan uu ka noolaa ama ka soo tagay xerada Dadab balse waxaa kaloo laga soo  caawiyay dhaqaalaha gaadiidka uu nairobi ugu soo safray iyo la talin kale oo ku saabsan dhanka socdaalkiisa iyo la xiriirka dableydii kale oo weerarka ay isla qaadeen.

Arintaan ayaa markale noqoneysa sadex sano kadib culees soo wajahay bulshada soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah kenya kuwaasi oo madaxda dalkaas ay si cad bartamihii sanadkii 2015- ay uga dalbadeen qaramada midoobay in la xiro xerada Dadaab.

Todobaadkii la soo dhaafay ayey aheyd markii 3 la tuhme qoryaha darandooriga u dhaca ee loo yaqaan AK47 iyo dhowr wareeg oo rasaas ah ay booliska Kenya ku qabteen xerada qaxootiga ee Xagardheer.

Mid ka mid ah la tuhmayaashaan ayaa watay aqoonsiga wadanka New Zealand taasi oo muujineysa in ururka Al shabaab uu yahay qatar caalami ah oo dhibaato ku ah dunida sida laga soo xigtay ilaha sirdoonka Kenya.

Ugu danbeyn laamaha amniga Kenya ayaa qaba in al shabaab ay sahal u tahay in weeraro taxane ay geystaan iyaga oo adeegsanaya xeryaha Dadaab maadaama ay ku dhex milmeen qaxootiga si ay gabaad uga dhigtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here