DEG DEG : Al-Shabaab oo sheegatay toogasho lagu dilay Madaxdii DP World ee Dekeda Boosaaso

0
727

DEG DEG : Al-Shabaab oo sheegatay toogasho lagu dilay Madaxdii DP World ee Dekeda Boosaaso

Xarakada Al-Shabaab ayaa goor dhow sheegatay toogasho saaka ka dhacday Dekeda Boosaaso, kaasoo lagu dilay Madaxii Mashruucda DP World ee Dekeda Boosaaso.

Nin hubeysan oo la sheegay inuu iska dhigay Kalluumeysato ayaa toogtay Paul Anthony Fermosa oo madax ka ahaa Mashruuca Shirkadda DP World ee qaabilsan dhismaha iyo ballaarinta Dekeda Boosaaso.

Afhayeenka howlgalada Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay inay dileen ninkii madaxda ka ahaa DP World ee Dekeda Boosaaso.

Waxaa uu sheegay in weerarkan uu qeyb ka yahay kuwo ka dhanka ah waxa uu ugu yeeray Shirkadaha calooshood u shaqeystayaasha Shisheeye ee boobka iyo faragelinta ku haya Soomaaliya, isla markaana doonaya inay la wareegaan kheyraadka iyo dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed.

Ciidamada Ammaanka ayaa toogtay ninkii hubeysnaa ee geystay toogashada Madaxii Shirkadda DP World ee Dekeda Boosaaso.

Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa sanadkii 2017 la wareegay Dekedaha Berbera iyo Boosaaso, kaddib heshiisyo muran iyo shaki dhaliyay oo ay la galeen Maamulada Puntland iyo Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here