DAAWO: Madaxwaynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni Oo Si Kulul Ugu Hadlay Dilkii Madaxa Dp World Ee Dekeda Boosaaso Heegana Galiyay Ciidamada Puntland

0
580

DAAWO: Madaxwaynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni Oo Si Kulul Ugu Hadlay Dilkii Madaxa Dp World Ee Dekeda Boosaaso Heegana Galiyay Ciidamada Puntland

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa ka hadlay dilkii saaka nin hubeysan uu gudaha Dekeda Boosaaso ugu geystay Madaxii Shirkadda P&O ee DP World oo gacanta ku heysay maamulka Dekeda Boosaaso.

Saciid Deni ayaa ka tacsiyadeeyay dilkaas loo geystay Paul Anthony Fermosa oo u dhashay dalka Malta, waxaana uu amray Laamaha amniga ee Puntland inay heegan sare ah galaan, si looga hortago weerarada cadawga maleegayo.

“Falkan waa mid argagixiso ah oo lagu waxyeeleynayo sharafka shacabka Puntland iyo dowladoodaba”ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni oo bishii hore xilka loo doortay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka loo geystay Madaxa DP World ee Dekeda Boosaaso.

Shirkadda DP World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa la wareegtay maamulka Dekedaha Boosaaso iyo berbera oo ay heshiis muddo sanado badan kula gashay maamulada Puntland iyo Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here